Goof-Gaduud-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya iyo ciidamada Boliiska Koonfur Galbeed ay isaga baxeen deegaankaasi.
Deggaanka Goof-gaduud Shabeelow ayaa magaalada Beydhabo ee gobolka Baay waxa ay ujirtaa qiyaastii 30 KM.
Gudoomiyaha deegaanka Xuseen War-Dheere Goof-gaduud Shabeelow oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu ka warbixiyay sababata keentay in ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya iyo ciidamada Boliiska Koonfur Galbeed xilligan ay isaga baxaan deegaankaasi.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada AMISOM ay saakay ku soo war galieen in ay ka guurayaan xerada ay ku lahaayeen deegaanka Goof-gaduud Shabeelow, laakin aysan garaneyn sababta ciidanka Koonfur Galbeed ay uga baxeen deegaanka.
Ilo madax banaan ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaalayahano ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku sugan yihiin deegaanka Goof-gaduud oo ay isaga baxeen ciidanka AMISOM iyo kuwa Koonfur Galbeed.