Bakool-RisaalaFM- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Boliiska gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa waxa ay howlgallo ka sameeyeen deegaan lagu magacaabo Kurto oo qiyaastii 60 KM ujira degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasi oo la sheegay in ay ku sugnaayeen Dagaalayahano ka tirsan ururka Al-shabaab.
Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Boliiska gaarka ah ee Koonfur Galbeed iyo ururka Al-shabaab ayaa waxa uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Kurto, waxaana ciidadama dowladda Soomaaliya usuura gashay in ay gacanta ku soo dhigaan iyo Mootooyin iyo waxyaabo oo ay wateen Al-shabaab.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Waajid ee gobolka Bakool Cadow C/raxmaan Jugle oo Idaacadda la hadlay ayaa waxa uu ka warbiyay dagaalka ay la galeen Al-shabaab, waxaana uu sheegay in Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen balse ciidamada dowladda Soomaaliya ay iska difaaceen.
Horey maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu usheegay in ay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo isku fura wadada udhaxeysa gobolada Baay iyo Bakool.