Siyaasi Cali Maxamuud Faarax Cali Seeko oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo talaabadii maanta madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud uu xilka kaga qaaday Ceydiid Ilka-xanaf oo ahaa gudoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka.
Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa loo magacaabay gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka oo horey maamulka Soomaaliland ugu soo qabtay Garyaqaanka Guud ee Soomaaliland.
Cali Seeko ayaa sheegay in dhowaanahan ay jireen cabashooyin ay shacabka ka qabeen Maxkamadda Sare ee dalka, isagoo tilmaamay in xil ka qaadistan ay tahay mid horey u socosho ah.