DHAGEYSO: Cabdi Qeybdiid oo baaq u diray Baarlamaanka

DHAGEYSO: Cabdi Qeybdiid oo baaq u diray Baarlamaanka

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay Soomaaliya hada in ay mareyso marxalad adag, taas oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa waxa uu Baarlamaanka Golaha shacabka iyo Aqalka Sare ugu baaqay in ay u istaagaan sidii dalka looga bixin lahaa marxalada hada uu ku jiro ah.

Waxa uu sheegay muhiim in ay tahay Baarlamaanka Soomaaliya in ay doortaan Hoggaamiye dalka samata bixin kara, si loo gaaro hormar iyo marxalad kale oo cusub.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa waxa uu sheegay shuruud la’aan codka in la siiyo Qofka la isdhihi karo dalkan waxbuu u qaban karaa, dan iyo masaalix kalena lagu xirin.

11-ka ilaa 12-ka Bishan ayaa lagu wadaa Magaalada Muqdisho in lagu qabto Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo intaasi kadib la guda geli doono Doorashada Madaxweynaha.