Waxaa sii kordhaya boobka kala duwan ee lagu haayo ganacsatada Soomaalida ah ee goobaha ganacsiga ku leh dalka Koonfur Afrika.
Dad careysan oo Koonfur Afrikaan ah ayaa dhacay ilaa 5 Dukaan oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku yaallo gobolka Bamalaanka ee dalka Koonfur Afrika.
Xasan Maxamuud oo ah guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee gobolka Bamalaanka, ayaa sheegay in 5-taasi dukaan ee Somalida leeyihiin la bobay, halka qaar kalena ay badbaadiyeen booliska iyo dadka Soomaalida ah.
Dalka Koonfur Afrika ayaa ah meesha ugu badan ee dhaca iyo dhibaatoyinka kale loogu geysto Saomaalida ganacsatada ah ee dalkaasi ku nool.