DHAGEYSO: Banaanbax ka dhacay Garoowe

 Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka  Puntland   waxaa maanta ka dhacay banaan-bax sababay in ay isku dhacaan dadka banaan baxa dhigeyey iyo sidoo kale ciidanka ammaanka.

Banaan baxa ayaa salka ku hayey sicir bararka ka jira deegaanada Puntland, isagoona ka dhacay afaafka hore ee aqalka Baarlamanka maamulka puntland.

 Dadkan banaanbaxa dhigayey qaar kamid ah oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inay lacago badan oo ka kala yimaada Soomaliland, iyo Koonfurta Soomaaliya lacago laga soo saaro gadiid  ay ku qaaliyeeyeen qiimaha dollarka deegaanada  Puntland.