Wararka ka imaanaya Magalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in maanta uu magaladaas uu ka dhacay dibad bax looga soo horjeeda isbaarooyinka sharci darada ah ee yaala qeyba kamid ah deeganada galmudug islamrkana lagu soo Dhaweynayo Howgalkii shalay ciidamada Galmudug ay kula waregeen jidgooyooyin sharci dara ah ee yaallay duleedka Gaalkacyo.
Dibad Baxa ayaa maanta ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka gobolka kan dagmada ,laamaha amaanka iyo qeybaha bulshada ee dagmada Gaalkacyo.
Duqa degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Xirsi Yuusuf Bare oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa ka hadlay banaan baxa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.