Kulan lagu qabtay Xarunta Maxkamadda Sare ee Muqdisho,islamarkaana looga hadlaayay Qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho 14-kii Bishaan ayaa lacag loogu deeqay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi.
Waxaa inta badan kulanka kasoo qeyb galay bahda Cadaaladda dalka, waxaana ay sheegeen in ay si weyn uga qeyb qaadan doonaan Gurmadka loo fidinaayo dadkii ku dhintay Qaraxii Zoobe.
Kulanka ayaa waxaa jooggay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, ee dalka , Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo kan racfaanka.
Ibraahim Iidle Suleymaan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa sheegay in lacag dhan 20 kun oo Dollar ay ugu deeqeen dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxii Zoobe.
Waxaa uu sheegay in lacagtaasi ay iska soo aruuriyeen Bahda cadaaladda.
Qaraxii ka dhacay Muqdisho 14-kii Bishaan ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 300 oo qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 400 qof, waxaana wali socda Gurmadka dadkii uu waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxaasi.