DHAGEYSO: Baarlamaanka oo ansixiyey sharciyo muhiim ah

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay maanta ansixiyeen sharci wax loogu badalayo labo qodob oo ka mid ah Dastuurka Dalka.

Labada Qodob ee wax ka badalka lagu sameeyay ayaa kala ahaa Qodbka 136-aad iyo Qodobka 60-aad ee Dastuurka Dalka.

Qodobka 136-aad faqradiisa labaad ayaa inta aan la badalin waxaa ku qornaa in Dastuurka dalka uu noqdo mid ku eg Baarlamaanka 9-aad oo ah Baarlamaanka hada shaqeynaya, waxaana loo badalay oo laga dhigay in Dastuurka dalka uu noqdo mid sii shaqeya oo aan dhici doonin.

Qodobka 60-aad Faqradiisa Koowaad ee Dastuurka ayaa isna inta aan la badalin waxaa ku qornaa Mudada xil heynta Baarlamaanka iney tahay Afar sano oo ka bilaabatay maalintii lagu dhawaaqay natiijada doorashada, waxaana qodobkaasi lo badalay oo laga dhigay in mudada xil heynta Baarlamaanka ay ku eg tahay inta lagu dhawaaqayo natiijada Baarlamaanka 10-aad ee soo socda.

Sharcigaasi wax loogu badalay labadaasi qodob ayaa waxaa ansixiyay 208 Xildhibaan, waxaa diiday 4 Xildhibaan, waxaa ka aamusay 3 Xildhibaan sida uu ku dhawaaqay Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur iikar.

Gudoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maryan Cariif aya warbaahinta u sharaxday sababta keentay in wax ka badal ay ku sameeyaan labadaasi qodob.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u bilowday Fasax Kooban oo ka bilaabanaya maanta oo ay taariikhda tahay 15-Bishaan, waxaana dib loo furaya maalmaha Ciida ka dib sida uu sheegay Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur iikar.