Cadaado-RisaalaFM- Maamulka Galmudug maalmahan waxaa ka jira khilaaf u dhaxeeya Madaxda maamulkaasi iyo Baarlamaankooda.
Xildhibaano ku dhow 50 oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa shalay waxa ay Mooshin ka keeneen Hoggaamiyaha Maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed.
Waxa ay sheegeen xildhibaanada go’aan waliba oo Madaxweyne uu gaaro in loo baahan yahay in la horkeeno Baarlamaanka, si ay uga hadlaan, sidoo kalena ay ula xisaabtamaan Madaxda Maamulkaasi.
Jawaab ayuu C/kariin Guuleed bixiyay saacado kadib markii Mooshin cusub ay ka gudbiyeen xildhibaanada Galmudug, wuxuuna ugu baaqay xildhibaanada Baarlamaanka inay ka laabtaan Mooshinka cusub, isagoo sheegay in uusan sharci aheyn Mooshinkaasi.
Baarlamaanka Galmuduuug maanta kulan ayay yeesheen, waxaana u hadlay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka maamulkaasi Xareed Cali Xareed, waxa uu sheegay in sharci uu yahay Mooshinkaasi.
Madaxweynaha Galmudug ayaa dhowaan ku dhawaaqay in la hakiyay dhamaan howlihii Maamulkaasi, ee ka socday Degaanada Galmudug.