DHAGEYSO: Baarlamaanka Galmudug oo mudo saacado ah loo qabtay

Cadaado-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa mudo saacado ah loo qabtay in ay ku soo xaadiraan Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in Baarlamaanka Galmudug uu ka dhamaaday waqtigii fasaxa loo siiyay, loona baahan yahay in hadda wixii ka dambeeya ay dib ugu soo laabtaan xildhibaanada xarunta ku meel gaarka Maamulka Galmudug ee Cadaado.

Xareed Cali Xareed ayaa sidoo kale sheegay in looga bahan xildhibaanada Galmudug in ay ku soo laabtaan muddo ku siman 48 saac gudahood, waxa uuna xusay in Baarlamaanka ay yeelan doonaan kalfadhigooda caadiga ah.

Waxa uu shegay kulanka ugu soo horeeya in looga hadli doono Abaaraha ku dhuftay degaanada maamulka Galmudug iyo sidii wax looga qaban lahaa.