DHAGEYSO: Askar lagu dilay Muqdisho

2 ka mid ah Ciidamada Dowladda ayaa lagu dilay Isgoyska Sanco ee Degmada Kaaraan, waxaana dilkaasi geystay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee xasilinta lagu Magacaabo sidda ay Risaala u xaqiijiyeen goobjoogayaal

Ciidamada la dilay ayaa lagu amray in ay hubka dhigaan waxaana intaas kaddib billowday is rasaaseynta u dhaxeysa labada ciidan,waxaana halkaas ku dhintay Ciidamada ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya.

Sida uu Risaala u xaqiijiyay qof goobjoog ahaa, waxaa Ciidamadaasi la wareeraray xilli ay ku howlanaayeen baarista Gaadiidka.

Ilaa iyo hadda lama ogga sababta Keentay in halkaasi lagu dilo Askarta dowladda, waxaana xusid mudan marar badan Muqdisho in ay isku dhaceen ciidamada dowladda dhexdooda.