Muqdisho-RisaalaFM- Wasaaradda Waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Ardada magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan aysan ka qeyb galeynin qaadista Imtixaanaadka Shahaadiga Dugsiga Sare ee dowladda Soomaaliya ay qaadeyso maalnta Sabtida Taariikhdu ay ku beegan tahay 28-ka Bishan.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada dowladda Soomaaliya C/laahi Bile Nuur ayaa sababta ku sifeeyay Ardada Beledweyne looga reebay Imtixaanka in ay tahay in magaalada Beledweyne ay ka dhacday Musiibooyin kala duwan oo ku aadan dagaalo iyo fatahaado sidaasi awgeedna Ardada Beledweyne looga baajiyay in ay ufariistan Imtixaanka.
Waa Sanadkii labaad oo Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ay qaadayso Imtixaanaadka Shahaadiga ah, xilli dalka horay aysan uga jiri jirin in Wasaarada Waxbarashada ay qaado Imtixaanaadka.