Home Wararka DHAGEYSO: Amar lagu soo rogay dadka ka imaanaya degaanada Al-Shabaab ay...

DHAGEYSO: Amar lagu soo rogay dadka ka imaanaya degaanada Al-Shabaab ay maamulaan

SHARE

Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Baay Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo Wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa waxaa uu sheegay in Ammaanka Magaalada Baydhabo aad loo adkeeyay.

Waxaa uu sheegay in dadka ka imaanaya degaanada ay maamulaan Al-Shabaab in aan loo ogoleyn in ay soo galaan Magaalada Baydhabo.

Taliyaha waxaa uu sheegay in Magaalada Baydhabo Saraakiisha ku sugan lagu Amray in Baydhabo ay ka celiyaan dadka ka imaanaya meelaha Al-Shabaab ay gacanta ku haayaan.

Waxaa uu tilmaamay in dadkaasi ay yihiin kuwo taageersan,sidoo kale kuwo ka tirsan iyo xaasaska Al-Shabaab.