DHAGEYSO: Al-shabaab oo weerar ka geystay gobolka Waqooyi Bari

Wararka ka imaanaya gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab in ay weerar ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Diif halkaasi oo ay ku weerareen saldhig ay ciidamada Kenya ay ku lahaayeen halkaasi.

Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan oo dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku qaadeen deegaankaasi ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa iyo hada saraakiisha amaanka gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya kama aysan hadlin weerarkan qorsheysan ay Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Diif.

Al-shabaab ayaa baraha Internetka wararka ay ku faafiyaan waxa ay ku sheegeen in weerarkaasi ay ku soo qafaasheen gaadiid ay lahaayeen ciidamada Kenya.

Ma ahan markii ugu horeysay ay Al-shabaab weerar nuucaan oo kale ah ay ku qaadaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.