Muqdisho-RisaalaFM- Iskuulka Abii-xaniifa ayaa galabta iska xaadiriyay kama dambeysta Tartanka Dugsiyada sare ee Risaala, kadib markii uu ka adkaaday iskuulka Tayo oo uu la tartamay.
Labada iskuul ayaa soo bandhigay Tartan aad u xiiso badan, maadaama iskuul walba uu doonayay in aan garabkiisa dhulka la dhigin.
Jaamacadda Banaadir oo ka mid ah Jaamacadaha ugu caansan dalka ayaa taabagelineysa Tartanka Dusgiyada sare ee Risaala, iyada oo abaalmarino qaali ah siineysa iskuulada kaalmaha hore ka gala Tartankan, inta aan la gaarin Ciida.
Iskuulka Abii-xaniifa oo la yimid dhibco gaaraya 10 dhibcood ayaa guul ka gaaray iskuulka Tayo oo keensaday 7 dhibcood, sida uu ku dhawaaqayo Xasan Cabdi Axmed oo ka tirsan Guddiga Tartanka Iskuulada Risaala.
Berri oo Talaado ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 20 Juun ayaa waxaa tatami doona iskuulada Sheekh Caanoole iyo Daaru-taqwa, kuwaasi oo midkii soo badiya kama dambeysta Tartankan uu la tartami doono iskuulka Abii-xaniifa.