Home Wararka DHAGEYSO: Abaalmarin la gudoonsiiyay Ardaydii kaalmaha hore ka galay Tartankii Qur’aan Akhriska...

DHAGEYSO: Abaalmarin la gudoonsiiyay Ardaydii kaalmaha hore ka galay Tartankii Qur’aan Akhriska Caruurta Barakacayaasha “SAWIRRO”

SHARE

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta la soo gaba gabeeyay Tartankii Qur’aan Akhriska Caruurta Barakacayaasha Risaala, kaasi oo soo bilowday bilowgii Bishan Ramadaan ee hada gaba gabada mareysa.

Tartankan ayaa waxaa maalgelineysay Shirkadda Cad-ceed Group, taasi oo bixineysay Gaari raaca Caruurtii ka qeyb gashay Tartankan, kuwaasi oo ka imaanayay Hoygooda oo ku yaalla Duleedka Muqidsho.

Maanta xarunta dhexe ee Risaala ayaa lagu soo gaba gabeeyay Tartankan, waxaana la abaalmariyay Saddexda Arday ee kaalmaha hore ka galay Tartankan.

Nasrudiin Maxamed Cabdi kaalinta koowaad 200$, kaalinta labaad Maxamed Xasan Axmed 150$ iyo kaalinta Saddexaad Luul Nuur Maxamed 100$, waxaana abaalmarintan bixisay shirkadda Cad-ceed Group oo iibisa dharka caruurta iyo agabyo kale.

Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Maxamed C/wahaab C/laahi oo si toos uga hadlayay Barnaamijka lagu soo gaba gabeynayay Tartankan ayaa u mahadceliyay shirkadda Cad-ceed Group, taasi oo dhiiragelin u sameysay caruurta Barakacayaasha ah.

Sidoo kale Agaasimaha Idaacadda Risaala ayaa caruurta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Barakacayaasha ku dhiirageliyay in ay sii wadaan barashada Qur’aanka Kariimka, wuxuna ugu dambeyn u hamblayeeyay macalimiintii ku soo dadaashay Ardaydan.