Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah u dirtay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka, kuwaasi oo dhowaan imaanaya magaalada Muqdisho.
Dowladda ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay sidii loo xojin lahaa wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka.
Sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo Xasiloonida siyaasadeed ee dalka, si loo gaaro guulo wax ku ool ah.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in casuumaad loo diray madaxda dowladda goboleedyada dalka islamarkaana ay imaanayaan Muqdisho.
“Baaqii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laah Maxamed (Farmaajo) ee ahaa midnimada iyo wadajirka in laga wada shaqeeyo, sidaasi darteed Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay casuumaad rasmi ah u dirayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, si looga hadlo xiriirka iyo wadashaqeynta.” Ayuu yiri Yariisow.