Wararka inaga soo gaaraya Degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafada Jiiro Garoob ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi lagu Dilay Wariye ka tirsanaa Idaacadda Shabeelle.
Wariyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/casiis Maxamed Cali Xaaji waxaana uu ka tirsanaa Shaqaalaha Idaacadda Shabeelle.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay Dilkiisa ka dambeeyeen Wariyaha, waxaana markii ay Dilka fuliyeen kadib ka baxsadeen goobta uu Dilka ka dhacay.