DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Beerta Jaadka ee Degmada Hodan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi goor dhow uu ku Qarxay Gaari Walxaha Qarxa lagu soo xiray.

Gaarigan oo nuuciisa uu ahaa Spacio ayaa la sheegay in uu yaallay meel u dhow Beerta Jaadka ee Degmada Hodan, wax khasaare ah kama dhalan sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidanka Amaanka iyo Maamulka Degmada ayaa halkaasi gaaray waxaana ay wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Xalay ayay aheyd maarkii Gaari lagu soo xiray Walxaha Qarxa uu ku Qarxay inta u dhaxeysa Isgoysyada Boondheere iyo Daljirka Daahsoon, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.