Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Afghanistaan

Weerar ismiidaamin ah ayaa lagu dilay ugu yaraan shan qof oo rayid ah, 25 kalena waa ay ku dhaawacmeen koonfurta Afganistaan sida ay sheegeen ilaha Ammaanka dalkaasi.

Haween iyo carruur ayaa ka mid ah dadkii halkaasi ku dhintay, waxaana weerarka  sheegtay Kooxda Taliban.

“Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta bilayska ee Lashkar Gah,” ayuu yiri Omar Zhwak oo ah afhayeenka maamulka gobolka Helmand.

Carruurta dhaawacmay ayaa wax ka baranayay masaajid u dhow Meesha uu  qaraxu ka dhacay.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay suurtagal tahay in Khasaaraha uu intaasi kasii bato.

kooxda Taalibaan ayaa inta badan Qaraxyo ay waxyeelo kasoo gaarto dadka Shacabka ah la beegsada Xarumaha dowladda Afghanistaan.