Muqdisho-RisaalaFM- Qarax loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buxiyay ayaa fiidnimadii caawa ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan ka soo horjeedka Carwo Al-kowther.
Qaraxan ayaa waxaa si weyn looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir, maadaama Qaraxa uu ahaa mid xoogan.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay Gaarigan Qarxay in ay markii horeba ka war hayeen, uuna halkaasi soo dhigay ninkii waday, kana cararay markii ay ogaadeen Ciidanka ammaanka, kadibna lahakiyay dhaqdhaqaaqa wadadaasi, sidaasina uu ku Qarxay.
Ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay Qaraxan, sida ay inoo sheegeen saraakiisha ammaanka, balse waxaa bur bur uu soo gaaray goobaha Ganacsi ee halkaasi ka akdhow.
Warar kale oo madax banaan ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro khasaare dhaawac ah oo soo gaaray dad kooban, kuwaasi oo goobta ka akdhowaa, lana geeyay goobaha caafimaadka.
Hay’addaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay hawlgalada suggida ammaanka caasimadda, si looga hortago weerarada iyo Qaraxyada Al-shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.
Shalay oo ugu dambeysay ciidamada ammaanka ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen gaari waxyaabaha qarxa la soo saaray, kaasi oo la soo dhigay meel Banaan ah oo ku taalla degmada Deyniile, balse ciidamada ammaanka ayaa qabtay gaarigaasi.