Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax caawa ka dhacay degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir gaar ahaan Isgoyska Cali-kamiin, sida ay Risaala u sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso oo lala eegtay gaari goobta marayay, halka warar kalena ay sheegayaan in qaraxa uu ahaa mid markii hore lagu soo xiray.
Gaadiidka gar gaarka deg dega iyo Ciidamo hubeysan ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, Ciidamada ayaa riday rasaas fara badan oo qalqal gelisay shacabka halkaasi ka akdhowaa.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan iyo cida lala bartilmaameedsaday, balse waxaa la sheegay in ay jiraan dhaawacyo soo gaaray ilaa Saddex qof, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaadka.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxa uu noqday mid ka fara baxsanaya Ciidamada ammaanka, maadaama ay joogto noqdeen dilalka loo geysanayo Askarta, masuuliyiinta Dowladda iyo dadka shacabka ah.
Xalay ayaa ugu dambeysay, degmada Waaberi waxaa koox hubeysan ay ku dileen Taliye ku xigeenkii hore ee Saadka Ciidanka xoogga dalka Marxuum Gen. Cabdulle Maxamed Sheekh Qururux, kaasi oo lala dilay mid ka mid ah ilaaladiisa.