Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe duqeyn diyaaradeed ayaa goor dhaw waxay ka dhacday Saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin duleedka degaanka Basra.
Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in la duqeeyay degaan lagu magacaabo Buulo Mareerey oo qiyaastii 5-KM u jira degaanka Basra, halkaasi oo ah goobtii Shabaab ay ka soo qaadeen weerarkii ay ku qabsadeen Basra.
Duqeynta ayaa waxaa fulisay diyaarad dagaal oo aan la ogeyn dalka laga leeyahay, balse maalmahan dambe ayaa waxaa duqeyn lala dhacaayay aaga degaanka Basra oo ciidamo badan oo Shabaab ah ay soo buux dhaafiyeen.
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Somaliya ayaa sheegay inay ka war hayaan duqeyntaasi, dibna ay ka faah faahin doonaan khasaaraha dhabta ah ee Shabaab duqeyntaasi ka soo gaaray.