Doon siday xoolo oo ku degtay Cumaan

Doon siday xoolo oo ku degtay Cumaan

SHARE

Cumaan-RisaalaFM- Wararka ka imanaya Xeebaha Cumaan ayaa waxa ay sheegayaan in xeebaha dalkaasi ay ku degtay Doon siday xoolo.

Doontan ku degtay xeebaha Dalka Cumaan ayaa sida la sheegay waxa ay siday in ku dhow¬†lix boqol oo neef oo Lo’ ah.

Doonidan oo ka ambabaxday Magaalada Berbera ayaa ku sii jeeday suuq ku yaalla Dalka Cumaan, si halkaasi loogu iibiyo.

Howlgal ayaa lagu soo badbaadinayo Doontan degtay ayaa waxa uu ka socdaa xeebaha Dalka Cumaan.

Maamulka Soomaaliland oo ka taliya Magaalada Berbera weli kama uusan hadlin Doonidan ku degtay xeebaha Dalka Cumaan, oo ay lahaayeen dad ganacsato ah.