Muqdisho-RisaalaFM- Kooxo hubeysan ayaa Isgoyska Maana-boolyo ee dhanka Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidanka NISA.
Dilkan ayaa waxaa fuliyay Dhalinyaro Bastoolado ku hubeysan, iyaga oo Marxuumka qeybta sare ee jirkiisa Rasaas kaga furay, islagoobtaas ayuuna ku geeryooday, kadib goobta ayay ka baxsadeen Dableyda.
Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Cali, waxaana dilkiisa warbaahinta Risaala u xaqiijiyay mid ka ah Ehelada Marxuumka.
Ciidanka Dowladda Federaalka oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano la xiriira dilka.
Shabaabka ayaa horey u sheegay in ay beegsanayaan oo ay dilayaan Ciidanka Dowladda Federaalka, Odayaasha soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masulliyiinta kale ee ka tirsan Dowladda.