Cali Cabdalla Saalax oo la dilay

Jabhadda Xuuthiyiinta Yemen, ayaa sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Sanca lagu dilay Madaxweynihii hore ee dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax.

Telefishinka afka Xuuthiyiinta ku hadlana wuxuu goor dhow baahiyay in dagaalkii la soo afjaray, ka dib markii la dilay Madaxweynihii hore ee dalka Yemen, oo dagaalka hogaaminayay.

Muuqaal video oo lagu baahiyay barraha bulshada, ayaa waxaa lagu arkay meydka nin u eg Cali Cabdalla Saalax, xilli taageere-yaasha Xuuthiyiinta ay meydka ninkaasi ku soo wareejinayeen wadooyinka Sanca.

Saraakiil u hadashay Xuuthiyiinta, ayaa sheegay in Cali Cabdalla Saalax lagu dhex dilay hoygii uu ka deganaa Magaalada Sanca, ka dib markii sida ay sheegeen ay dhismahaasi qarxiyeen.

Siyaasiyiinta ku dhow dhow Cali Cabdalla Saalax waxa ay beeniyeen in ninkaasi la dilay, iyagoo taasi bedelkeedana sheegay in weli uu yahay ninka hogaaminaya dagaalka lagala soo horjeedo Xuuthiyiinta.

Ciidamada Cali Cabdalla Saalax, Madaxweynihii hore ee dalka Yemen, ayaa looga adkaaday dagaalkii qaraaraa ee tan iyo Axadii ka soconayay Magaalada Sanca.

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen, ayaa la wareegay inta badan Magaalada Sanca, markii ay magaalada dhinac uga saareen ciidamadii Cali Cabdalla Saalax, iyadoona uu dagaalku xilligan ka soconayo duleedka magaaladaasi.

Xeeldheere-yaasha, ayaa rumeysan in dilka Cali Cabdalla Saalax ay kaga dari doonto xaaladda dalkaasi, maadaama ay beeshiisu ku xoogan tahay Magaalada Caasimadda ah ee Sanca.

Dhanka kale Xuuthiyiinta iyo Cali Cabdalla Saalax oo bahwadaag ahaa, dagaalna kula jiray Isbahaysiga Sacuudiga, ayaa la sheegay inay is khilaafeen, markii Cali Cabdalla Saalax, Madaxweynihii hore ee Yemen uu wadahadalo ugu baaqay isbahaysiga Sacuudiga.

Cali Cabdalla Saalax, ayaa sheegay diyaar in uu u yahay bog cusub oo la furo, haddii isbahaysigu uu joojinayo weerarada, isla-markaana uu qaadayo go’doominta adag ee uu Yemen ku hayo.

Xulafada Sacuudiga, ayaa soo dhaweeyay hadalka Cali Cabdalla Saalax. Qoraal ay soo saareen, ayay ku sheegeen in go’aankani uu yahay mid lagula safanayo rabitaanka bulshada reer Yemen, bulshadana laga dulqaado Jabhadda Xuuthiyiinta.

Hadalka ka soo yeeray Saalax, ayaa ka careysiiyay Jabhadda Xuuthiyiinta, iyagoona hadalkiisa ku macneeyay mid daboolka ka qaadaya shakigii laga qabay in uu gacan saar la leeyahay Sacuudiga.

Hogaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Badreddin al-Houthi, ayaa hadalka ka soo yeeray Cali Cabdala Saalax ku sheegay qiyaano qaran, isagoona ku goodiyay inay dagaal la galayaan.