Dawladnimo waa kala danbayn.!!!!

Tan iyo markii ay burburtay dawladii dhexe ee somaaliya waxa ummada soo food saaray dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo dhinac kasta leh,sababaha loo aaneeyo masiibooyinkaa dhacay waxa ugu weynaa kala danbayntii dawladnimo oo sida hiklaaca uga baxday ama ka suushay bulshada dhexdeeda.

Mufakariinta iyoculimadda aadka u daraaseeya maamul wanaaga iyo haykalka dawladnimo ayaa ku tilmaamay in hadii ummadi waydo kala danbayn iyo is maqal aanay jiri doonin horumar lagu faani karo oo ay yeeshaan dadka ay asiibtay kala danbayn la,aantu,waxay sheegeen in dalalka ka xoroobay kala danbayn la,aantu ay xag kasta uga wanaagsan yihiin kuwa hore,waxay taas sabab uga dhigeen in guusha ummadi ka gaadho maamul wanaaga ay dadkoodu ka horeeyaan xag walba.

Soomaaliya oo ka mid ah dawladaha ay ragaadiyeen dagaalo sokeeye oo aan ujeedo lahayn ayaa mudooyin badan la daalaa-dhacaysay in la waayo dawlad adag oo meesha ka saarta in la helo habka maamul wanaag ee dunidan casriga ahi ku dhaqanto,waxayse maanta u muuqataa in uu soo bidhaamaayo ama rajo aan hore u jirini ka soo socoto dawaladihii intii burburku jiray soo maray dalka oo mid kastaa taagteeda ku dadaalaysay in ay soo celiso nidaamkii kala danbayta ee bulshadu in badan u haraadanayd.

Waxa dawladani ku talaabsatay qorshayaal ay nidaamka kala danbayta ku dhiiri galinayso, iyadoo laga duulayo in dib loo helo maamul wanaagii iyo haykalkii dawldnimo ee dadku ku faani jireen,waxa dhisan ciidamo kala duwan oo dhamaantood ka turjumaaya arintaas,waxa sidoo kale jira barnaamujyo kala duwan oo lagu wacyi galinaayo dadka aan la soo jaan qaadin in ay fursad u helaan in loo sharxo ama la tuso wadada loo maro kala danbaynta iyo maamul wanaaga,madaama aanay iyagu jirin wakhtigii ay soomaaliya ka jireen dawaladihii dhexe ee xooga lahaa ee soo maray.

Dad iyo dalkiisuba waxay hour-kac ku gaadhaan waa kala danbaynta iyo is ixtraamka marka masuul walba looga danbeeyo shaqada iyo hawsha uu markaa maamulayo inta la shaqaynaysaana waa in ay u hogaansamaan awaamiirta toosan ee masuulkaas iyo la taliyayaashiisa ka imanaya,hadii taasi fusho waa casharka u horeeya ee aynu ka baran karno habka maamul wanaag ee aynu rabno,ugu danbayna hadaynu caado ka dhigano taas  waa hubaal in aynu dhaafi doono inta maanta aynu ka quudaraynayno in ay wax inoo abuuraan.

Waxaan ummada soomaliyeed ku dhiiri galinaynaa inay awoodooda isugu geeyaan kala danbaynta iyo habka maamul wanaaga oo gogol xaadh u ah horumarka bulshadeena

W/D:- Fowsi Ibraahim Omar (feedho)