Wararka ka imaanaya waqooyiga Ciraaq ayaa sheegaya in ciidanka gaarka ah ee Maraykanku ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda isku magacawda Dawladda Islaamiga meel u dhow magaalada Mosul.
Ilo laga helayo xoogagga kurdiyiinta ayaa ku tilmaamay ninka dhintay inuu xubin ka ahaa golaha dagaalka ee Dawladda Islaamiga.
Waxay kale oo ay sheegeen in laba ka mid ah gacan yareyaashiisa sidoo kale la dilay, markii askarta oo la socday diyaradaha qumaatiga u kaca ay aaggaas cagta mariyeen.
Millitariga Maraykanku weli kamaysan hadlin akhbaartaas, mana aysan xaqiijin, laakin Maraykanka ayaa samaynayey dadaal bilihii u dam’beeyey ay ku dilayeen ama ku qabanayeen saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Dawladda Islaamka.