Arsene Wenger ayaa si lama filaan ah u xaqiijiyay in finalka FA Cup ee caawa in goolhaye David Ospina uu ciyaari doono kulanka Wembley.
Waana lama filaan weyn in Wenger uu shaxdiisa ka reebo goolhayaha qibrada badan leh ee Petr Cech oo 35 sanno jir ah kaasoo la filayo inuu warkaan ka xumaan doono.
Goolhayihii hore ee Chelsea Cech ayaa si weyn doonayay inuu ka horyimaado kooxdiisa hore, waxaana la filayay in khibradiisa ay muhim u aheyd Arsenal madaama dhibaato daafac ay heysato iyadoo Laurent Koscielny uu ganaax ku maqan yahay halka Gabriel uu dhaawac yahay.
Shkodran Mustafi ayaa tababar qaatay shalayto laakiin lama filayo inuu ciyaari doono ka dib markii uu miirdaboolmid soo wajahay kulankii ay Arsenal ka badisay Sunderland 10 maalmood ka hor.
Laacib.net