David De Gea oo ka hadlay wararka la xiriirinaya kooxda Real Madrid

Goolhayaha kooxda Manchester United ee David De Gea ayaa ku sigtay inuu ku biiro kooxda Real Madrid saddex sano ka hor xilligaas oo saacidihii ugu dambeeyay uu waqtiga ku dhacay.

Los Blancos ayaanan ka harin laacibka reer Spain tan iyo xilligaas isagoo ah goolahayaha ay muddo dheer kursiga gaaban ugu fadhiyaan.

Xiddigga Red Devils ayaa wax laga weydiiyay mustaqbalkiisa Old Trafford isagoo kaga jawaabay sidan: “Mustaqbalkeyga?, hadda waxaan Muhiim inoo ah koobka adduunka, ma jiro wax kale oo aan ka fikirayo”.

“Waa inaan diiradda saarnaa inaan ciyaarno koob adduun fiican, dhammaanteen waxaan wada rajeyneynaa oo aan dooneynaa inaan guul la imaanno” ayuu De Gea ugagag baxay su’aashii laga weydiiyay mustaqbalkiisa.

Goolhayaha lagu naaneeso Mr. Save ayaa sheegay inuu isaga yahay mid daggan, waxaana goolhayan sanadyadii dambe aadka u kacsanaa uu ka mid noqday kooxdii ugu fiicanayd Premier League ee PFA Team Of The Year afar jeer.