Theo Walcott ayaa doonaya inuu sii joogo Arsenal islamarkaana uu u dagaalamo booskiisa.
Weeraryahanka Gunners ayaa u sheegay saaxiibo ku dhaw inuu weli filayo Gunners inuu sii joogayo xilli ciyaareedka soo socda, inkastoo olole weyn ay ku raadineyso kooxda West Ham.
Walcott ayaa laga waayay xulka kumeelgaarka ah ee Roy Hodgson u xushay Euro 2016 kasoo lagu dhawaaqay Isniintii.
Waxa uu sidoo kale doonayaa inuu sii argo taageerayaasha Arsenal oo jecel u qaba isaga.
Hammers ayaa rabta inay qaar ka mid ah saxiixyo waa weyn xagaaga dambe ku furto Olympic Stadium.
Waxay diyaar ula yihiin £ 20m 27-sano jir booska joogta ah ka waayay kooxda Arsenal
Walcott ayaa saftay kaliya 15 kulan xilli ciyaareedkan Premier League isagoo 13 kulan kursiga keydka kasoo kacay, waxaana uu dhaliyay shan gool oo kaliya.