Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta xariga ka jaray qeybta baxnaaninta bukaanka ee Isbitaalka Madiina oo ay dib u dib u dhis iyo qalabeyn ay ku samaysay Dahabshiil Group.
Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf oo goobta ka hadlay ayaa umahadceliyay Dahabshiil Group, waxa uuna sheegay in qeybta baxnaaninta bukaanada waqtigii loo baahnaa ku soo beegtay Dahabshiil Group.
Waxa uu sheegay in qeybta baxnaaninta bukaanada ee lagu soo kordhiyay isbitaalka ay hormarineyso daryeelka caafimaad ee bukaanada la siiyo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay baahi uqabaan in isbitaalka dhexdiisa looga sameeyo wadooyin laami ah si bukaanka gaariga ama sariirta lagu wado loo helo wado nadiif ah oo la marsiiyo.
Xasan Cabdi Cawad Madaxa Koofurta iyo Bartamaha Somaaliya ee Dahabshiil Groub ayaa sheegay in kaalinta Dahabshiil aysan intaasi ku ekeyn oo ay ka go’an tahay in ay taageeraan bulshada.
Sidoo kale Xasan Cabdi Cawad Madaxa Koonfurta iyo Bartamaha Somaaliya ee Dahabshiil Group ayaa waxa uu balan qaaday in ay sameyn doonaan qeybta Bangiga Dhiiga ee isbitaalka Madiina oo iminka aanan shaqeynin.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa umahadceliyay Dahabshiil Group, wuxuuna shegay in Dahabshiil Group ay ka jawaabtay baaqa iyo dhibkii heystay shacabka Soomaaliyeed.