Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in 250,000 oo qof ay ku barakaceen iskahorimaadyadii ka dhacay Bilihii lasoo dhaafay xudduudaha Oromiya iyo dawlad degaanka Soomaalida.
Isagoo ka hadlayay Hay’adda Warbaahinta ee Itoobiya leedahay, Mitiku Kassa, Guddoomiyaha Guddiga Maareynta Khatarta Masiibooyinka Qaran ee Itoobiya, ayaa sheegay in barokacayaashu ay awoodaan in ay soo laabtaan kaddib markii shir ay yeesheen mas’uuliyiinta iyo odeyaal ka socda labada gobol bishii February.
Waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay ka shaqaynayso in ay dib u celiso tirada dadka kale oo dhan 600,000 oo qof oo ku barakacay iskahorimaadkii bishii April.
Kassa ayaa sidoo kale sheegay in 86,000 oo ka mid ah kuwa ku soo laabtay guryahooda lagu dayac-tirayo gacan-qabashada madaxda dowladda federaalka ah iyo gobolada.
Dagaalka u dhaxeeya labada Qowmiyadooda ayaa xooggeystay bilihii lasoo dhaafay, waxaana ku dhintay dad badan, halka sidoo kale ay ku barakaceen kumanaan qof.