Waraka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ka dhacay deegaano hoos yimaada degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ,kuwaa soo la sheegay in ay ku safraayeen deegaano hoos yimaada degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Wariyaha Risaala ee gobolada Baay iyo Bakool ayaa soo sheegaya in dagaalku uu ahaa mid xooggan .
Khasaare dhabta ah ee ka dhashay dagaalka lama cadeyn karo , laakiin dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka ay ka dhasheen khasaare isku jira dhimasho iyo dhaawac.