Dagaal Culus oo ka socda gobolka Bakool

Wararka naga soo gaaraya degaanka Dhiil oo 35 KM u jira degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab uu halkaasi ka socdo.

Dagaalka ayaa la sheegaya in uu yahay mid xoogan , islamarkaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa Saaka weerar ku qaaday degaanka Dhiil oo ay joogeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Risaala u sheegay in dagaalka ay ku qaadeen degaankaasi oo ku yaalla dhul miyi ah oo inta badan ay weerarada  kasoo qaadaan Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net