Dagaal culus oo ka socda dalka Suuriya

Dagaal aad u culus yaa ka socda nawaaxiga magaalada istiraatiijiga ah ee Xalab ee dalka Suuriya, kaas oo dhabar jab weyn ku ah wadahadallada nabadda ee dib uga bilowday magaalada Geneva.

Mareykanka ayaa waxa uu sheegayaa inuu aad uga walaacsan yahay xoogagga Ruushka ee difaacaya dowladda Suuriya weerarka ay wadaan.

Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo kooxda mucaaradka ay ku taliyeen inay la shaqeeyaan xubnaha dowladda hadda si xal siyaasadeed oo ku meelgaar ah la isugu afgarto.

Dagaalka ka socdo agagaarka magaalada Xalap wuu sii adkaanaya maalinba maalinta k adambeyso, waxa uuna noqonaya caqabadii ugu weyneey ee hor istaagta heshiiskii la gaaray 7 sbuuc ka hor.

Dagaalkii ugu dambeeyay waxa la’arkayay ciidamada dowladda oo teegeero ka helaya Ruushka in ay qaadayeen dagaal ka dhan kooxaha mucaraadka ayna ka jareen marinada ugu mihimsan ee qeybta mucaaradka ka maamulaan Xalab.

Waxa kale oo jira dagaal xoogan oo ka soconaya waqooyiga foog ee ku dhow xudduda Turkeyga halkaas oo daacish ay dardar galisay dagaalka ay dib ugu qabsaneeyso dhowr Deegan.

Waxa warar sheegaya in qasaaro uu ka dhashay dagaalkaasi, arrintaas ayaana hareysay wadahadallada nabadda ee lagu xasilinayo dalkaasi.

Mucaradka waxa ay sheegeen in ay la shaqeeynayan xubnaha dowladda ee aan waligood dagaal galin balse aysan la shaqeeyneynin Madaxweyne Bashar al asad.