Kenya-RisaalaFM- Kooxo la aaminsan yahay in ay ka tirsan Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa ay afduub u geysteen 6 ruux oo rayid ah, kuwaasi oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degaanada Milihoi iyo Mpeketoni oo ka Tirsan Dowlad Goboleedka Lamu.
Taliyaha Guud ee ciidamada Booliska Gobolka xeebta dalka Kenya James Akoru ayaa dhacdadaan u xaqiijiyay warbaahinta, wuxuuna sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa adeega gaarka ah ee loo yaqaan GSU-da ay ku raad joogaan kooxdaasi afduubka Geysatay.
Dhanka kale waxaa uu sheegay in ilaa hada aysan xaqiijin karin cida ka dambeysa falkaasi marka laga reebo tuhuno laga qabo dagaalyahanada gobolka xeebta ka soo jeeda ee taabacsan Al-shabaab.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Gaariga ay dadkaasi saarnaayeen ee la Afduubtay ay la socdeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Kenya kuwaasi oo la sheegay in ay ku wajahnaayeen degaanka witu oo ay ku sugan yihiin dad ka soo barakacay tuulooyinka u dhow keynta Boni oo todobaadkan xukuumada ku amartay in ay goobta isaga guuraan.
Saraakiishaan ayaa la sheegay in markii hore ay tageen dekada Lamu halkaasi oo ay kulan ku qaateen ka hor inta aysan u socdaalin degaanka Witu.
Afduubkan ayaa imaanaya saacado un kadib markii shalay isku duwaha dhanka ammaanka ee Gobolka xeebta dalka Kenya Mr. Nelson Marwa uu u duulay ismaamulka Lamu halkaasi oo kulan looga hadlayo ammaanka kula qaatay saraakiisha amniga Gobolka xeebta dalka kenya.
Xukuumadda Kenya ayaa todobaadkan waxa ay sheegtayĀ weerar dhanka cirka ah in ay ka bilowday ismaamul Goboleedka Lamu.