Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay rabshado ka dhacay caasimada Jamhuuriyada Afrikada dhexe ee Bangui.
Dadka dhintay ayaa waaxaaa ka mid ah wadaad ka tirsan kaniisada Kaatoliga ee dalkaasi.
Waxa jira walaac laga qabo in dalkaasi uu halis ugu jiro in uu dib ugu laabto dagaalo la mid ah kuwii ka dhacay markii xilka laga tuuray madaxwayne Francois Bozize.
Sanaddii 2013 ayay ahayd markii dagaalo diimo ku salaysan oo ka dhaacay Jamhuuriyada Afrikada dhexe ay ku dhinteen boqolaal qof.
Hay’adahaa gargaarka iyo shaqaalaha isbataalada ayaa waxay sheegeen in ay tiriyeen meydadka ugu yaraan 15 qof oo ay ka mid yihiin nin wadaad ah askari booliiska ka tirsan iyo cunug yar.
Sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamadaa nabad ilaalintaa ee Qaramada Midoobay ee ku sugan Jamhuuriyaada Afrikada dhexe rabshadahan ugu dambeeyay ayaaa ka dhashay ka dib markii la xiray nin la sheegay in uu aka tirsanaa maleeshiyaadka Muslimiinta ah ee loo yaqaano PK5.
Risaas culus ayaa la is waydaarsadaay iyada oo maleeshiyaadka PK5 ay isku dayayeen inay soo siidaayaan ninka laga xiray waxa ayna arrintan horseeday dilka dad ku cibaadaaysanayay goob Kaniisad ah.
Bishii aanu soo dhaafnay ayay ahayd markii 27 qof oo uu ka mid ahaa aaskar ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay la dilay xilli ciidamada amaanka ee Jamhuuriyada Afrikadaa dhexe iyo kuwa Qaramada Midoobay ay isku dayayeen in ay hubka ka dhigaan jabhadda PK5.