Tobanaan dab-damiyayaal ayaa laga baqayaa inay dhinteen kadib markii daar dheer oo 17-dabaq ah ee magaalada Tehran ee Iran, uu dab qabsaday kadibna ay duntay.
Laba boqol oo dab -damiyayaal ah ayaa la dagaalamayay dabka ka kacay daarta saacado badan, ka hor intaysan dumin ilbiriqsio gudahood.
In ka badan 200 oo qof ayaa lagu soo waramayaa inay dhaawacmeen.
Daarta oo la dhisay 1962, ayaa ahayd mar daarta ugu dheer Tehran, waxaana ku yaalay xarumo dukaamo.
Dabka ayaa lagu soo waramayaa inuu bilaabmay saakay (04:30 AM), oo ahayd waqti dhismaha uu cidlo ahaa.
Sawirradii ugu horeeyay ayaa laga arkayaa dab iyo qiiq ka baxaya dhismaha.
Horaantii, afhayeenka dab-damiska Jalal Malek, ayaa sheegay in dhismaha aysan oolin qalabkii dab-damiska.
“Dhowr jeer ayaan u dignay madaxda dhismaha inaysan jirin ammaan darida dhismaha” ayaa laga soo xigtay inuu u sheegay wakaalada wararka ee AFP.
“Xataa jaranjarada ama salaanka ay dadka marayaan ayaa lagu kaydiyay dhar, taasoo ka soo horjeeda sharciga ammaanka” ayuu sheegay.