Muqdisho–RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dab khasaare geystay oo xalay saq dhexe ka kacay guri ku yaala degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, sida ay Idaacadda Risaala u sheegeen Maamulka degmadaasi.
Dabkan oo xalay socday mudo saacad iyo wax ka badan ayaa waxa uu dilay ugu yaraan Todobo qof, oo xilliguu uu dabka kacayay ku jiray gudaha guriga.
Dadka dhintay waxa ay isugu jiraan Hooyo iyo 6 Carruur ah oo ay dhashay, iyada oo sidoo kale uu dhaawac soo gaaray Aabihii guriga oo howlo samata bixin ah u sameynayay qoyska.
Dabkan oo ay dadka degaanka ay sheegeen in ay sababay Koronto ayaa dhimashada badan ee ka dhashay waxa ay ka dambeysay kadib markii dadka guriga degnaa xilligaasi ay hurdayeen.
Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi (Tuulax) ayaa sheegay in xalay goor dambe ay u gurmadeen dadkii deganaa guriga uu dabka ka kacay, intii karaankooda ah.
Waxaa uu sheegay in nasiib daro dadka deganaa guriga ay intooda badan geeriyoodeen kaliyana uu ka bad baaday Aabihii guriga oo isaguba dhaawac ah.
Tuulax ayaa sheegay in ay ku dadaaleen xakameynta Dabka si uusan ugu fidin xaafadaha kale ee ka agdhaw khasaaruhuna uusan uga badan inta uu hadda yahay.
Allaha u naxariistee Dhammaan dadkii ku geeryooday dabkaasi oo isugu jira Hooyada iyo caruurteeda ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso Magaalada Muqdisho.