Sirdoonka Soomaaliya ayaa Soo qabtay xaaska mid kamid ah Hogaamiyeyaasha Ajaanibta Al-Shabaab sida ay shaacisay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
Leyla Cumar Baaruud waa xaaska Hogaamiye Ajnabi ah oo dhalashadiisu tahay Ethiopian, ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa ku raadjoogay muddo 5 bil ah oo ay ku sugneyd qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Leyla ayaa Al-shabaab u qaabilsaneyd tashkiilinta Carruurta, iyadoo malcamad xifdinta Qur’aanka Kariimka ah lagu barto ku laheyd gobalka Jubbada Hoose.
Sirdoonka Soomaaliya ayaa waabarigii maanta Leyla ku qabtay demgada Cabdicasiis xilli ay dooneysay in gurigeeda hortiisa ay gaari ka raacdo.