Xildhibaan Cabdulaahi Jaamac, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya kana mid ahaa xildhibaanadii la socday ra’iisul wasaare Cumar C.rashiid ee lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi, ayaa si adag kaga hadlay muddada lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee Nairobi.
Xildhibaanka ayaa ka carooday in ku dhawaad 15 saac lagu xayiro garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay in dowlada Kenya ay ka doonayaan iney cadeyso waxyaabaha arintaasi dhaliyay.
Cabdulaahi Jaamac, ayaa dhinaca kale sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ay diyaarin doonaan mooshin ay ku joojinayaan khaadka laga keeno dalka Kenya oo malaayiin lacag ah ku baxdo, sida xildhibaanka uu sheegay.
Muddo bil ah oo xildhibaanada fasax ku maqan yihiin ayuu sheegay kadib in la dardar gelin doono mooshin ka dhan ah khaadka la keeno dalka Soomaaliya.
Mooshinkaasi ayuu sheegay inuu xal u noqon doono dhibaatada Khaadka uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed oo dhaqaalo badan looga qaado isticmaalka Khaadka, sida uu sheegay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheegay in canshuurta ugu badan ee dalka la qaado dowlada ka qaadi doonto khaadka la keeno dalka Soomaaliya.