Daawo: Wasiir Odowaa oo la kulmay Odayaasha shirka Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxaana uu kulanka ahaa mid looga hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa shirka, isla markaana dhinacyada wali shirka ka maqan loogu soo biirin lahaa.

Qaar ka mid ah Odayaasha ayaa sheegay in aysan waxba dhaqaajin karin, iyadoo dowladda Dhexe banaanka ka joogto shirka, waxaana ay ka codsadeen Wasiir Odowaa in uu si dhow uga shaqeeyo dhaqaajinta shirka.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in wali dowladdu wado dadaalo ku aadan sidii shirka u guuleysan lahaa, waxaana uu xusay tan iyo intii uu ka maqnaa Jowhar uu wada hadalo la lahaa Odayaasha reer Hiiraan ee wali aan ku qanacsaneyn shirka.

Shalay ayay aheyd markii Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa uu gaaray magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaana tagitaankiisa lagu macneeyay wasiirka in uu fududeynayo dadejinta shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

1- 2- 3- 4- 5- 3-