DAAWO: Shabaab oo soo bandhigay Muuqaalka Askari Kenyan ah

Muqdisho-RisaalaFM- Shabaab ayaa soo bandhigay Muuqaal laga soo duubay Alfred Danyi Kilasi oo ah Askari Kenyan ah oo lagu qabtay weerarkii Shabaab sanadkii hore ay ku qaadeen fariisin Ciidanka Kenya ay ku lahaayeen degaanka Ceel-cade ee Gobolka Gedo.

Alfred Danyi Kilasi ayaa ka codsaday Madaxda iyo shacabka Kenya in ay u midoobaan sidii looga saari lahaa gacanta Shabaab oo mudo uu ku jiro.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Uhuro Kenyaata uu ahaa Madaxweyne xiligii la xirayay islamarkaana uu wali yahay hogaamiyaha dalkaasi, waxana uu tilmaamay uu ka warhayo dhibka heysta.

 

https://youtu.be/6YldaB7XPYs