DAAWO SAWIRRADDA: Wafdi ka socda QM oo gaaray Hobyo

Wafdi ka Socda Qaramada Midoobey ayaa gaaray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Sababta ay u tageen halkaasi ayaa lagu sheegay in ay tahay gurmad loo sameynaayo dadka ay Abaaruhu saameeyeen ee ku sugan gobolka Mudug.

Waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo sidoo kale kan degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Diyaaradda siday Wafddigaasi ayaa aheyd kuwa loogu tala galay in ay ka shaqeyaan Arrimaha Gargaarka.