Qarax xoogan, ayaa Khamiistii ka dhacay afaafka hore Xarunta Maxkamadda ee Magaalada Izmir ee Wadanka Turkiga, iyadoona uu iska horimaad xigay.
Ugu yaraan saddex nin oo lala xiriirinayo Jabhadda Kurdiyiinta Turkiga ee PKK, ayaa weeraray askar Booliska Turkiga ka tirsan, oo ka ag-dhawaa goobtaasi.
Booliska Turkiga, ayaa toogasho ku dilay laba ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, halka midka saddexaadna ay ku raadjooggan.
Warbaahinta Turkiga, ayaa ku warameysa in ugu yaraan 10 qof ay ku dhaawacantay qaraxaasi, oo aanay jirin cid weli masuuliyadiisa sheegatay.
Jabhadda PKK iyo Ururka Daacish, ayaa inta badan ka masuul ah weerarada abaabulan, ee muddooyinkii ugu dambeysay ku soo badanaayay Turkiga.