Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay booqday Isbitaal Madiina oo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay Qaraxii shalay ka dhacay suuqa Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.
Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caafimaad deg deg ah Alle uga baryay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii maanta.
Waxa uu sheegay in caafimaad deg deg ah oo dhanka diibadda ah loo qaadi doono dhaawacyada daran, si halkaasi loogu soo dabiibo.
Ciidanka ammaanka gaar ahaan kuwa NISA ayaa sugayay amniga, inta ay so socotay booqashada Madaxweynaha Soomaaliya, ee ku aadan Isbitaal Madiina.
Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay Qaraxan in ay ku dhinteen ku dhowaad 30 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale, kuwaasi oo isugu jiray dad ka cunteynayay Maqaaxi goobta ku taallay, dad goobo ganacsi halkaasi ku lahaa iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.