Go,doonka sanado badan saran degmada xudur ayaa waxaa uu sababay in xilligan abaarta jirto nolosha bulsada xudur ciriir ay gasho,iyadoo nolosha magaalada hada ay ku tiirsan tahay hal wado.
Cali aadan wiir oo odayaasha dhaqanka ka mid ah iyo mid ka mid ah haweenkii kulanka ka qeyb galey ayaa ka Hadley dhibaatada laga dhaxley go,doonka wali saran degmooyinka gobolka gaar ahaana xudur.
Gudoomiyaha degmada xudur maxamed macalin Axmed iyo xasan aadan macalin oo ka mid ah xildhibaanada koonfur galbeed kuwaada kasoo jeeda gobolka go,adoonsan ayaa sheegay iney hada socdan qorshayaal go,adoonka gobolka saran looga baxayo,waxayna dowlada dhexe iyo koonfur galbeed ka dalbadeen iney arintan ka shaqeyso.
Kulankan oo maamulka degmada xudur soo qaban qaabiyey ayaa waxaa bulshada degmada lagaga hadlayey sidii gacan uga geysan lahaayen go,doonka magaalada saaran.
W/Q/Wariye:Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)