Home Wararka DAAWO SAWIRADA: Guuleed oo gaaray Cadaado

DAAWO SAWIRADA: Guuleed oo gaaray Cadaado

SHARE
Cadaado-RisaalaFM- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Dowlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga uu hogaaminayay Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Cadaado ku soo dhaweeyay Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxwaynaha Galmudug C/kariin oo saxaafadda la hadlay ayaa soo jeediyay in amniga degaanada Galmudug laga taxadaro loona hoggaansamo amarkiisii ahaa xaaladda deg dega ahaa.

Sidoo kale Madaxwaynaha Galmudug ayaa ka hadlay xaaladaha Abaareed ee ka jira degaannada Galmudug, isagoo ku baaqay in la caawiyo dadka ay Abaartu saamaysay.

 

1s 2s 3s 4s 5s 6s 7s